Blog Details

AAIC COVID19 Notice Letter - Ogeysiis Masjid Abubakar ee ku aadan Caabuqa COVID-19
COVID19 Notice Letter
AAIC COVID19 Notice Letter - Ogeysiis Masjid Abubakar ee ku aadan Caabuqa COVID-19

 


 

Assalamu Alaikum Dadweynaha/Muslimiinta ku dhaqan Columbus iyo nawaaxigeeda,

 

Ujeedo: Ogeysiis Masjid Abubakar ee ku aadan Caabuqa COVID-19

 

Walaalayaal waxaa lagu jiraa xili adag oo ubaahan in lagu sabro, laguna dadaalo ilaalinta caafimaakaaga iyo midka umadaba. Allah waxaan idinkaga baryeenaa in Allah naga wada badbaadsho Caabuqa COVID-19.

 

Sida aad la socotaan Masjid Abubakar waxaa la xirey Maarso 13, 2020 iyadoo lafulinayo talada caafimaad ee Gobalka Ohio si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus.

 

Hadaba, hadii aad ubaahataan talo, kaalmo, amase geeri ku timaado qof kamid ah walaalaha, fadlan la soo xariir Maamulka Masjid Abubakar.

 

Masjidka waxuu diyaariyay goobtii meyd dhaqista iyo gaadiidkii lagu qaadayay. Hadaba, haddii ay timaado geeri u sabab noqotey Coronavirus, waxaa jiridoono in loo fiirsho qaabka diin ahaan loo mayrayo loona duugayo iyadoo la raacayo shuruucda cusub ee loo dajiyey arinka caabuqa.  

 

Walaalayaal, waxaan dhamaan muslimiinta kula talineynaa in ay qaataan talooyinka caafimaad oo aan nafteena iyo bulshadaba ka badbaadino Caabuqa Coronavirus faafidiisa. Waa waajib saaran qofwalba in uu ilaaliyo danta guud, Allahna talo saarto oo uu ku dadaalo ducada.

 

Xiligan adag oo bisha Ramadan nagu soo wajahantahay waxaan Allah ka rajeyneynaa naxariis iyo nabadgalyo inuu nasiiyo.

 

Wixii soo kordho waan idinla wadaagi doonaa.

Fadlan wixii faahfaahin ah amase xog dheeri ah la soo xariir Masjidka.

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------Assalamu Alaikum brothers and sisters of Masjid Abubakar Community.

 

We beg and ask Allah (SWT) to protect all of you and your loved ones.

As the community is aware, we closed the Masjid on March 13, 2020 as per the directions of Ohio Health Department and the Governor’s office to tackle the spread of CONVID-19. We ask Allah (SWT) to protect all of us.

 

The leadership of the Masjid encourages you to follow the guidance that is coming from the health experts, and the foremost guidance is to “stay at your home”.

 

If one of the community members needs advice or  assistance, please contact us. Furthermore, may Allah forbid, but if the decreed of Allah (death) comes upon one of the community members, the masjid has established a funeral preparation room where the body is washed, shrouded and placed in a coffin. The Masjid owns a Vehicle that transports the deceased body to the Muslim cemetery.

 

The management of the masjid will convey and share any developments that may arise during this era. May Allah gather us in our beloved masjid again.

 

During this difficult time increase your duaa and hold fast to the rope of Allah.